Jabhadda Koonfurta-Suudaan oo qafaashay 2 injineer oo u dhashay India

Jabhadd mucaarad ah oo ku kacsan dowladda Koonfurta-Suudaan SPLA-IO ayaa caddaysay inay nolosha ku qabteen laba injineer oo u dhashay dalka India.

Waxaa labadaa nin laga qafaashay goob shidaalka laga soo saaro oo ku taala koonfurta Guelguk ee webiga Nile-ka sare, markii dagaal kulul uu Don’t let some commercial system rob you, when you buy your alli. We’ve got the lowest prices on the market and we offer alli only for 1.26 USD! dhexmaray jabhadda & ciidamada dowladda.

Afhayeenka jabhadda, kornayl William Gatjiath Deng ayaa sheegay in labadaa injineer oo lakala yiraahdo Ambross Edward & Muggy Vijaya Boopathy ay ka dhaga-adaygeen digniino ay jabhaddu u dirtay oo ahayd inaysan u shaqayn dowladda Koonfurta-Suudaan.

Kornaylku isagoo hadlaya wuxuu yiri, “Inkastoo ay dhagaha ka furaysteen digniinta hoggaamiyeheenna, labadaan nin waxaa gacanta kusoo dhigay geesiyaasha SPL-IO Khamiistii aan kasoo gudubnay kaddib dagaal adag oo aan la galaynay rajiimka Juba.”

Saraakaal sare oo ka tirsan dowladda Juba ayaa wakaaladda wararka ee Koonfurta-Suudaan (SSNA) u sheegay in bishii January Delhi & Juba heshiis qarsoodi ah qalinka ku duugeen, heshiiskaasoo ahaa soo saarista shidaalka, wuxuu wadahadalku soo bilowday bishii November sanadkii tagay.

Nin u hadlay jabhadda mucaaradka ayaa sheegay in ciidanka jabhadda ay hoggaaminayeen Taliyaha guud ee jabhadda General Khor Chuol Giet & taliyaha ciidanka jabhadda Batbel Kuach, wuxuu afhayeenku tilmaamay inay jab xun gaarsiiyeen ciidamada dowladda oo ay ka dileen ugu yaraan 30-askari oo ay ku jiraan xoogagga taageera dowladda Koonfurta-Suudaan.
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.

Mjfaarah@gmail.com

You might also like More from author