Isgaarsiinta magaalada Beledweyne oo hawada laga saaray

Waxaa goor dhaw hawada ka baxday isgaarsiinta magaalada Beledweyne sababo aan la ogeyn, hasse ahaatee arintan ayaa loo maleynayaa in ay salka ku heyso khilaafka u dhaxeeya maamulka iyo ganacsatada magaalada oo ka biyo diiday in ay wax ku iibsadan lacagta shiling Soomaaliga.

Maalintii labaad waxaa xiran gabi ahaanba ganacsiga magaalada, waxaana maanta magaalada ka dhacay dibadbax rabashado watay oo ay dhigayeen dadka ka cabanaya go’aanka ay qaateen ganacsatada.

Isgaarsiinta hawada ka maqan ayaa sababtay in xitaa dadka ay awoodi waayaan in lacagaha ugu jira Telleefoonnada gacanta ee leysugu diro EVC Plus-ka u adeegsadaan adeegyada ay u baahan yihiin, iyadoo xaalada magaalada ay hadda u muuqato mid cakiran oo dadka oo dhan u simin yihiin in aysan waxba iibsan karin.

Arimahan oo dhan ayaa imanaya kaddib markii Al-shabaab ay ka mamnuuceen deegaannada ay ka arimiyaan isticmaalka lacagta shiling Soomaliga ee lagu soo saameeyay deegaannada Puntland iyo gobollada dhexe oo ah lacagta ugu badan ee hadda laga isticmaalo bartamaha Soomaaliya.

The post Isgaarsiinta magaalada Beledweyne oo hawada laga saaray appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author