Iran iyo Israa’iil oo ku dagaalamaya dalka Syria

Ilwareed Online

Shabakadda News Week ee Maraykanka, oo warbixin ka qortay loollanka Israel iyo Iran ee gobolka Bariga dhexe, ayaa sheegtay in Israel ay gacan-gashay marka la eego is-ballaarinta Iran ee Bariga dhexe,gaar ahaanna dalalka Syria,Lebanon, iyo Iraq.

News Week waxay tilmaantay in dowladda Iran ay sannadihii ugu dambeeyey si toos ah ugu lugyeelatay colaadda dalka Syria,oo geysay ciidan iyo hub faro-badan,taasoo halis weyn gelisay amniga Israel,halka Xukuumadda Telviv ay kaga jawaabtay duqaymo is-xigxigay oo ay ku garaacday goobo ku yaalla Syria,kuwaasoo lagu tuhmayo dagaallamayaasha Hezbollah .Israel ayaa 5-tii sano ee tegay in ka badan 100 jeer duqaysay gudaha dalka Syria,sida warbixinta lagu xusay.

Bishii sep ee sannadkaan diyaaradaha Israel ayaa garaacay xarun loogu yeeray Cilmi-baaris oo ku taalla magaalada Masyaf ee bartamaha Syria,halkaas oo la sheegay in laga soo saari jiray hubka Kiimikada ah ee xukuumadda Bashaar Al-assad.Hadda waxaa soo baxaya warar tilmaamaya in Tehran qorshaynayso garoon militari oo ay ka dhisato meel u dhow magaalada Damascus ee caasimadda Syria,kaasoo ay ka hawlgeli doonaan ciidanka cirka Iran,gaar ahaanna’Ilaalada kacaanka’.

Sidoo kale xukuumadda Syria iyo Iran ayaa waxaa u socda wada-hadal ku saabsan sidii ciidanka Badda Iran saldhig looga siin lahaa magaalada dekadda leh ee Tartus,waxaana laga yaabaa in dhowaan Iran halkaas u dirto tiro kamid ah ciidankeeda Badda.Galaan-galka Iran ee gobolka,maaha mid laga aqbalayo dhinaca Israel,waxayna cabasho u gudbinaysa dalalka Rusia iyo Maraykanka,iyadoo dhowaan wasiirka Difaaca Rusia booqanayo Israel,halka Wasiirka Difaaca Israel uu booqan doono magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka.

Waxaa horay u fashilmay dadaalkii Israel u gashay in ay Iran hor istaagto. Sannadkii tegay, Ra’iisulwasaare Netanyahu ayaa 4 jeer isaga daba-noqday magaalada Moscow,si uu madaxweyne Putin uga dhaadhiciyo in Iran khatar ku tahay gobolka,balse kuma guulaysan.Arrintaan ayaa Israel ka dhigaysa mid kaligeed hor taagan Iran,inta dowladda Maraykanku la imaanayso siyaasad lagu xakamaynayo is-ballaarinta Iran ee gobolka Bariga dhexe.

Israel ayaa aad uga cabsi qabta in Iran hubka Nuclear-ka u soo rarto dalka Syria,gaar ahaanna dhinaca xadka,taasoo halis weyn ku ah,haddii mustaqbalka dagaal dhexmaro labada dhinac,waxaana la isku waafaqsanyahay in joogitaanka Iran ee gobolka,sida Syria,Lebanon, iyo Iraq uu si xawli ah u siyaadayo,loona baahanyahay in laga hortago.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Iran iyo Israa’iil oo ku dagaalamaya dalka Syria appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author