Indonesia oo gargaar ku wareejisay dowladda Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa gargaarkii ugu horeeyay oo lagu caawinyo dadka ay abaaruhu saameyeen ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

Wasaarada gargaarka Soomaaliya ayaa la wareegtay deeqdaan ka timid dalka Indonesia, waxaana madaxda wasaarada ay sheegeen in la gaarsiin doono shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaarada gargaarka Maryan Qaasim, ayaa sheegtay inay uga mahadcelineyso dowladda Indonesia gargaarka ay usoo tirtay shacabka Soomaaliyeed, lana gaarsiin doono dadka xaqa u leh.

Maryam Qaasim, ayaa deeqdaasi waxay si toos ah ugu wareejisay guddiga gurmadka abaaraha heer Qaran, waxayna sheegtay inay amaano ku tahay gudigaasi.

Gudoomiyaha Hay’adda ICT ee dalka Indonesia Axyaa Wudiin oo Faahfaahin ka bixiyay deeqdaan ayaa waxaa uu sheegay in deeqdaan ay iska soo aruuriyeen Shacabka dalkaasi , islamarkaana dowladda Indonesia ay diyaar u tahay in ay labo jibaarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya.

The post Indonesia oo gargaar ku wareejisay dowladda Soomaaliya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author