In ka badan 50-qof ayaa lagu dilay Hotel kuyaala Las Vegas

Ilwareed Online

Nin hubeesan ayaa weerar ku qaaday Hotel weyn oo kuyaala magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 50 qof ayaa ku dhimatay toogashadan ka dhacday hotelka kuyaala magaalada Las Vegas, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 200 qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha uu intan kasii bato.

Hotelka Weerarka lagu qaaday oo lagu magacaabaa Mandelay Bay Hotel ayaa xiliga weeraray waxaa ka socday bandhig faneed, waxaana Dhismaha Hotelkaasi ku sugnaa dad aad u badan oo bandhiga daawanayay.

Booliiska ayaa sheegay in weerarkan uu fuliyay nin hubeesan oo rasaas xoogan ku furay barxad ay buuxeen dadka bandhiga daawanayay, waxaana booliiska sheegeen in la toogtay ninka weerarkan fuliyay.

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay muuqaalada dad kasoo baxsanaya dhismaha hotelka ay hareereeyeen Ciidamada amaanka , waxaana ciidamada ay howlgalka ku qaadatay saacado iyagoona ugu dambeyn soo bad baadiyay dadkii Hotelka lagu weeraray.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post In ka badan 50-qof ayaa lagu dilay Hotel kuyaala Las Vegas appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author