In ka badan 200 Dhallinyaro Soomaali ah oo afduub loogu heysto dalka Liibiya

Waxaa isa soo taraya qeyla dhaanta ka soo yeereysa waalidiin Soomaaliyeed oo caruurtooda lagu heysto saxaraha dalka Liibiya xilli ay doonayeen inay dooni ka raacaan dalkaasi si ay u gaaraan dalka Talyaaniga.

Koox dullaaliin Soomaali ah oo la shaqeeya nin ay Soomaalida u taqaano Magafe oo dadka tahriibiya ayaa maalmahaan bilaabay qorsheyaal cusub oo ay ku helayaan lacago fara badan, waxaana kooxahaasi oo adeegsanaya baraha ay bulshada ku xiriirto ee Internet-ka dalbadaan lacago u dhaxeeya 10-Kun Dollar ilaa iyo 8-Kun Dollar.

Waalidiin fara badan oo caruurahooda la soo dhigay baraha internet-ka ayaa la xariiray kooxaha heysta dhallinyaradaasi, iyagoona waalidiinta ugu hanjabaya inay gabadhahooda fara xumeynayaan haddii aanay si dhaqsi leh u soo shubin lacagaha ay ka dalbadeen.

Dhinaca kale dhallinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho oo jirkooda uu ka muuqdo dhaawaqyo ay u geysteen kooxahaan ayaa maalmahaan ku soo badanaya badaraha ay bulshada ku xiriirto, taasi oo sababtay in waalidiin fara badan oo intooda badan aanay iyagu awoodin lacagaha laga dalbaday ay ka codsanayeen bulshada Soomaaliyeed inay kharajkaasi faraha badan lagu caawiyo.

The post In ka badan 200 Dhallinyaro Soomaali ah oo afduub loogu heysto dalka Liibiya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author