Howlgallo dad lagu soo qabtay oo xalay laga fuliyay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag

Ilwareed Online

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka fuliyay degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan ee Magaalada ee Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa Mid qorsheysan ayay ciidamada Amniga ay ka fuliyeen Xaafado ka mid ah degmooyinkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amniga ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu xaqiijinaayay Ammaanka Caasimadda oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayay falal lidi ku ah Ammaanka.

Intii uu socday howlgalka ayaa lagu qabtay dhalinyaro badan , waxaana Ciidamada Amniga ay sii daayay badankood ka dib markii ay baaris ku sameeyeen.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Howlgallo dad lagu soo qabtay oo xalay laga fuliyay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author