Howlgalka AMISOM oo maamulka Booliiska K/Galbeed ugu deeqay Qalab Xafiiseed

Ilwareed Online

Ciidamada Police-ka howlgalka AMISOM ayaa qalab xafiiseed gaarsiiyay ciidamada Booliiska maamulka koofur Galbeed Soomaaliya si ay ugu caawiyaan kor u qaadida ammaanka maamul gobaleedka Soomaaliyeed.
Deeqda ayaa waxaa gudoomay maamulka koonfur galbeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah taliyaha ciidamada Booliiska maamulka koofur galbed iyadoo gudoon siinta deeqda taliska AMISOM uu u qaabilsanaa John Ambayo oo ah taliyaha ciidamada Booliska AMISOM u qaabilsan maamulka koonfur galbeed ee Somaliya.


Qalabka oo u badnaa kuwo xafiiseed waxaa ka mid ah computer, mashiinada wax lagu daabacdo, roogag iyo solaro lagu baahinayo dhamaan xarumaha ciidamada maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Munaasabadda deeqdan wareejinta oo hadal kooban uu ka jeediyay General Ambayo ayaa waxa uu sheegay in u jeedka uu yahay horumarinta adeegyada ciidamada booliiska iyo si loo sii wado dhaqan gelinta sharciga iyo kala dambeynta.
Dhanka kale Ciidamada Booliiska AMISOM ayaa door muhiim ah ka qaata tababaridda ciidamada dowlada Soomaaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada dalka.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Howlgalka AMISOM oo maamulka Booliiska K/Galbeed ugu deeqay Qalab Xafiiseed appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author