Howlgal dad lagu soo qabqabtay oo ka dhacay Gaalkacyo

Ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Puntland ayaa maanta Howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa lagu soo qab qabtay rag la sheegay in Don’t let some commercial system rob you, when you buy your trazodone. We’ve got the lowest prices on the market and we offer trazodone only for 0.99 USD! ay Habeenkii falal amni daro ah ka geystaan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysay Howlgalkan ayaa waxa ay sheegeen Howlgalka raggan lagu soo qab qabtay in la marsiin doono baaritaano, si loo kala saaro.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay Howgalkan ay sida wadajirka ah u fuliyeen Ciidamada labada dhinac, waxaana ay sheegeen in tani ay tahay hormar.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Muxudiin Maxamed (Saxansaxo).

You might also like More from author