Howlagalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Deegaano ka mid ah Sh/Hoose

Ilwareed Online

Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose Bashiir maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay socdaan dhaqdhaqaayo ka dhan ah Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al Shabaab.


Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay tani inay qeyb ka tahay gulufka dagaal ee maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al- Shabaab looga saarayo deegaanada faro ku tiriska ah ee ay kaga harsan yihiin Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada shabeelaha hoose.

Dhanka kale Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe ayaa sheegay inay Gobolka ka jirto abaar saamayn ku yeelatay bulshada deegaanada sh/Hoose in kastoo ay jiraan deeqo la gaarsiiyay dadka ku nool Gobolka sh/Hoose hase ahaatee aysan ku filnayn marka loo eego baahida ay qabaan bulshadu.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Howlagalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Deegaano ka mid ah Sh/Hoose appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author