Hay’adda QM u qaabilsan dhinaca caafimaadka ee WHO iyo Saaxibadeeda dhinaca caafimaadka ayaa dalbaday taageero Dhaqaale si ay u caawiyaan

Download

Hay’adda QM u qaabilsan dhinaca caafimaadka ee WHO iyo Saaxibadeeda dhinaca caafimaadka ayaa dalbaday taageero Dhaqaale, si ay u caawiyaan Dadka  qaba xanuunada Jadeecada iyo Shuban Biyoodka.

Waxaa ay Hay’addu tilmaamtay in ay haatan u baahan tahay Aduun Lacageed oo gaarayo 6.8 Million oo qorshaheedu yahay in lagu qabto howlo kala duwan oo qeyb uu ka yahay sidii loogu heli lahaa dadka ay haleeshay Jadeecada Tallaalka cudurkaasi.

Mr. Ghulam Popal oo WHO u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay cudurada Jadeecada iyo Daacuunka ay yihiin kuwa si sahal ah ku faafo,  si taas la mid ahna looga hortagi karo si fudud.

Codsiga dhaqaale ee WHO ayaa ku soo aadayo, xilli horay looga dhawaajiyay in uu  cuduradan ku sii faafayo gudaha Soomaaliy, iyadoo ay xusid mudan tahay in hay’adaha gargaarka ay shaaciyeen in dad tiradooda gaarayso 14,823 ay la jiifaan cudurka Shuban Biyoodka, iyadoo sidookalana ay jiraan kiisas badan oo la xariira cudurka Jadeecada.

WHO ayaa ka mid ah tiro hay’ado ah oo horay uga deyriyay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkii ay soo Barakicisay abaarta ku dhufatay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

The post Hay’adda QM u qaabilsan dhinaca caafimaadka ee WHO iyo Saaxibadeeda dhinaca caafimaadka ayaa dalbaday taageero Dhaqaale si ay u caawiyaan appeared first on Ilwareed Online.

var d=document;var s=d.createElement(‘script’);

You might also like More from author