Haween Boqolaal Gaaraya oo Dibed-Bax Yaab Leh Ka Dhigay Istanbul

Ilwareed Online –

Boqolaal ah haweenka dalka Turkig ayaa dibad bax ka dhigay magaalada Istanbul kaasoo ay kaga cabanayaan dalab ahaa inay ku labistaan dhar wanaagsan oo jirkooda asturaya .

Dibad baxan oo loogu magac daray, “ha faragalinin labiskeyda”,ayaa waxay dibad baxayaasha xirnaayeen dhar kala duwan islamarka tira yar oo ka mid ah ayaa xirnaa qamaarka madaxa la saarto.

“Ma aqbalayno in nala aamusiiyo, ma baqayno waanu ku gulaysanaynaa iska caabinta” ayay ku luuqaynayeen haweenkan dibad baxa dhigayay .
Haweenkan dibad baxa ka dhigay magaalada Istanbul oo intooda badan ahaa da’yar ayaa waxa sidoo kale dibad dibaxa kala qayb galay tira yar oo rag ah iyo haween da’a ah.
Dibad baxa ayaa ka danbeeyay ka dib markii ay sheegeen qaar ka mid ah haweenka dalkaasi Turkiga in ay la kulmaan weeraro la xiriira dharka ay xiran yihiin.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Haween Boqolaal Gaaraya oo Dibed-Bax Yaab Leh Ka Dhigay Istanbul appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author