Hanti dhowrkii Soomaaliland oo xilkiisii laga qaaday

Ilwareed Online –

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ayaa xilkii ka qaaday Hanti  dhawrihii guud ee qaranka Mr: Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere).

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Hanti dhawraha xilka laga qaaday, haseyeeshee lama sheegin sababta looga qaaday.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr.

“Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Hanta dhawraha guud ayaa la dhamaystay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo taas oo marna xilkaasi laga bedelin, waxaanu xilka hayey muddo ku siman toddoba sanno.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Hanti dhowrkii Soomaaliland oo xilkiisii laga qaaday appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author