Gudoomiyaha Mandeeq Wariye C/rashiid Cali Oo Noqday Qofkii Ugu Horeeyay Ee Laga Tiro “Lama yaqaan”( EIGENEN ANGABEN ) 

Ilwareed Online

Waa Ilaahey Xamdigiis Waana Guul Usoo Hoyatay Umada Soomaaliyeed Ee Ku Nool Dalka Germany Waxaa maanta oo Khamiis ah 10/08/2017 aan ku Guuleysanay, Ina Nalaga Qaado Xayiraadii Warqadaha Aqoonsiga Soomalinimo Iyo Qaadashada Baasaboorka Weyn ee Jarmalka Dhamaan 16 ka Gobol Uu Jarmalka Ka Kooban Yahya.

Ka Dib Dadaal Dheer U GalnayUrur Ahaan Sidii Eey U Heli Lahaayen Aqoonsi Sharciyeed Oo U Sahlo In Laga Tiro Erayga ( EIGENEN ANGABEN ) Iyo Xareynta  Baasaboorka Weyn Jaaliyada Soomaaliyed Ee Ku Nool Dalka Germany.  Hadaba Markii Eey Safaarada Soomaliya Eey Ku Leedahay Magaalada Berlin Isku Howshay Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Dhibaatada soomalida Jarmalka ka heysato Xaga Aqoonsiga Soomalinimo Iyo Warqadaha Ee U Baahan Yihiin Iyo Ururka Mandeq Msg Oo Ka Diiwaan Gashan  Magaalada Frankfurt Oo Nasiib U Yeeshay Inuu Maanta Noqdo  Hogaamiyaha Ururka Mandeq MSG Wariye C/rashiid Qofkii Ugu Horeeyay Ee Loo Aqoonsado Soomalinimo Lagana Tiro Baasaboorkiisa ( EIGENEN ANGABEN )

Hadaba Dadweynaha Ku Dhaqan Dalka Jarmalka Waxaan Ogeysiineynaa Ineey La Xiriiraan Safarada Soomaliya Eey Ku Leedahay Magaalada Berlin Waxaan Halkan Kaga Mahad Celineynaa Safiirka Amb.Maxamuud Maxamed Tifow        Botschaftsrat Stv Botschafter Amb. Maxamed Cabdi Kulmiye Iyo Howl Wadeenada Safaarada Oo Xil Weyn Iska Saaray Una Dhabar Adeygay Sidii Loo Heli Lahaa Xaquuqda Qofka Soomaaliga Ah Ee Ku Nool Dalka Jarmalka Taasina Waxeey Marqaati Cad U Tahay Umada Soomaliyeed Ineey Leeyihiin Xukuumad U Taagan Ilaalinta Xaquuqda Dadkeeda.

Fadlan La Xiriir Safaaradada Hadii Aad U Baahan Tahay  Faahfahin Dheeri Ah

BOTSCHAFT SOMALIA

Potsdamerstr. 144 –

10783 Berlin – Germany

Telefon (+49) (0) 3023630010

Fax (+49) (0) 3023630011

Email.  tifowmm@hotmail.com




Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Gudoomiyaha Mandeeq Wariye C/rashiid Cali Oo Noqday Qofkii Ugu Horeeyay Ee Laga Tiro “Lama yaqaan”( EIGENEN ANGABEN )  appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author