Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo is casilay iyo Xildhibaanada oo aqbalay

Ilwareed Online –

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Soomaaliland C/Raxmaan Ciro ayaa goordhaw iska casilay xilkii Gudoomiyanimo uu ka hayay Baarlamaanka Maamulkaasi, waxa uuna saakay Istiqaalada iscasilaadiisa u gudbiyay Xildhibaanada.

Warqada Iscasilaada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/Raxmaan Maxamed Cabdulaahi (Cirro) ayaa saaka la horgeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland, waxaana aqbalay Iscasilaada Gudoomiyaha 70-Xildhibaan oo soo xaadiray fadhiga Baarlamaanka.

Waxaa la filaaa in dhawaan Baarlamaanka Somaliland ay doortaan Masuulkii badali lahaa C/Raxaaman Ciro xilka uu iska casilay, waxaana maanta si weyn deegaanada Somaliland looga hadal hayaa is casilaada Gudoomiyaha sidoo kale ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadani.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo is casilay iyo Xildhibaanada oo aqbalay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author