Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka oo digniin u direy xukuumada

Gudoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane Abdi Haashi Abdilaahi ayaa waxaa uu digniin culus u direy xukuumada uu gar wadeenka ka yaahy mudane Hassan Ali Kheyre.

Isagoo saxaafada la hadlayey ayuu mudane Abdi Haashi sheegey in dhibaato uu dalku galayo hadii xukuumada Kheyre ay fara geliso Hay’adaha garsoorka dalka.

“ Dowladdu waa seddex qeybood, Xukuuumada, Baarlamanka iyo waaxda garsoorka, mid walbana shaqo gaar ah ayuu leeyahay, mana wanaagsana in shaqooyinka la isku dhex qaldo” ayuu yiri Gudoomiye Abdi Haashi.

“ Xuukumadda iyo garsoorka waa in ay kala madax banaanadan si qola walba howsha hor taala ay u qabsato” ayuu yiri Mudane Gudoomiye ABdi Haashi.

“Run ahaantii dalkeena barwaaqada ah ee khayraadka kala duwani ka buuxaan ee aanu ka baahanay, miisaaniyadda aynu maanta samaynaynaa, maxay tahay weeye? Anigu waan qabaa Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka hay’adahaas siman, hay’ad walba hay’adda ay la siman tahay in wixii ay qaadanayso tan kalana lagu qoondeeyaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo xirey gudoomiyaha.

The post Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka oo digniin u direy xukuumada appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author