Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xilka laga qaadayo

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qorsheynaya in uu xil ka qaadis ku sameeyo qaar ka tirsan Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir.

Sida uu qorshaha yahay xilalka Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo muuqan doona Dhalinyaro ku cusub saaxada siyaasadda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Risaala u If you don’t want to spend a pretty penny for your Deltasone, just buy it right now for 0.4 USD only! xaqiijiyay ilaa 5 Guddoomiye Degmo in xillalka laga qaadi doono, lana keeni doono Guddoomiyeyaal cusub.

Isbedelkan ayaa horudhac u ah isbedel lagu sameyn doono dhammaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhalinyarada ka soo muuqan doonta xilalka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ah Dhalinyaradii ka ka qeyb qaadatay ololihii Doorasho ee Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dad badan oo xil doon ah ayaa hareeyay xarunta Gobolka Banaadir, waxaana dadka ay CV-gooda u gudbinayaan xogheynta Guddoomiyaha.

You might also like More from author