Guddoomiye Cawad: “Cidii warar been ah ka faafisa Xildhibaanada BF waan xireynaa”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in la xerayo sidoo kalena dacwad loo qabsanayo cidii Warar been ah ka sheegta Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hada ka dib aysan aqbali doonin in la iska dacaayadeeyo Xildhibaanada Qaranka.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Cadaalada laga wada shaqeeyo oo si isku mid ah ah loo dacweeyo loona ganaaxo Masuuliyiinta dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed hadii ay dambi ka galaan Xildhibaanada Qaranka.

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan waxyaabo qalad weyn ah oo maalin kasta ay galaan dadka balse aan lagu ciqaabin, waxa uu xusay in ay ku dadaalayaan sidii loo ciqaabi lahaa dadka mar walbo dacaayadaha ka faafiya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan in ay qalad toos ah ka galaan Xildhibaanada Qaranka oo ay warar been abuur ah ka sheegaan.

The post Guddoomiye Cawad: “Cidii warar been ah ka faafisa Xildhibaanada BF waan xireynaa” appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author