Guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka oo shir guddoomiyay kulankii guddiyada joogtada ah

Ilwareed Online –

Kulankani oo ah kii ugu horreeyey oo ay isugu yimaadaan gudiyada joogatda ah ee labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Muqdisho.

Waxaa si wada jir ah u shir guddoominayay labada guddoomiye ee Golayaashaasi Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayadoo loogu hadlayay sidii loo dardargelin lahaa wadashaqeynta guddiyadaasi.

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegey in muhiim ay u tahay wadashaqeynta labada guddi.

Muddane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xusay in looga baahan yahay labada guddi ee joogtada ah in ay diyaariyaan qorshaha howleedka ay ku wadashaqeynayaan si loo dardargeliyo howlaha horyaala baarlamaanka Soomaaliya.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka oo shir guddoomiyay kulankii guddiyada joogtada ah appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author