Golaha Wasiirada K/Galbeed oo Qaadacay Go’aankii dowladda Soomaaliya ee arrimaha Khaliijka

Ilwareed Online

Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba mar kale ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka iyagoo ka hor yimid goaankii dowladda Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana kulanka looga hadlay arrimaha ammaanka, safarkii Madaxweynaha uu ku tagay Imaaraadka iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa markale ku celiyay in ay ka soo horjeedaan go’aankii Dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, oo ay taageersan yihiin xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Golaha Wasiirada K/Galbeed ayaa taageeray shirka Axada ka furmaya magaalada Kismaayo ee maamul Goboleedyada, iyadoo sheegay inay ka qeyb geli doonaan wafdi uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Golaha Wasiirada K/Galbeed oo Qaadacay Go’aankii dowladda Soomaaliya ee arrimaha Khaliijka appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author