Gen. Gaafow oo beeniyay in loo magacaabay taliyaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) Gen. C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa beeniyay warqad la sheegay  in ay  tahay been abuur oo la soo dhigay Baraha Bulshada.

Warqada la soo dhigay Baraha Bulshada ee uu beeniyay Gen. Gaafow ayaa lagu sheegay in loo Magacaabay Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Gen. Gaafow ayaa sheegay in uu garanayo kooxaha ka dambeeya been abuurka intaa la eg, isagoo sheegay in ay ku sugan yihiin Hoteelada iyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Gaafow ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in la Muduufikeeyo Saxiixa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna dalbaday in talaabo laga qaado kooxaha arrintan ka dambeeyay.

“Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay, Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada ayay ku sugan yihiin, waana fool xumo in la farsameeyo saxiixa Ra’iisul Wasaaraha” We have gathered all the best deals on the market for high quality medicines. Buy your cialis Soft at our store now only for 1.64 USD! Ayuu yiri Gen Gaafow.

Gen. C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa ku baaqay in la ilaalayo nidaamka iyo Dowladnimada, taas oo uu xusay in halgan dheer loo soo maray halka maanta la joogo.

You might also like More from author