Gen.Cirfiid “Tuutaha Militeriga lama qaadan karo,Ciddii qaadatana Talaabo ayaa laga qaadi doonaa..”

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay Kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo wasiirka Amniga,waxaana looga hadlay Kulanka ammaanka Caasimadda Soomaaliya.


Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Howlgalka Xasilinta Muqdisho iyo qaadista Hubka Sharci darada ah ee lagu dhex haysto Gudaha Magaalada Muqdisho.
Gen Cirfiid Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Tuutaha Milatariga aysan qaadan karin Cid ka baxsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya Ciddii qaadatana Talaabo laga qaadi doono.
Dhanka kale C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in Cidna aan looga aabayeeli doonin Howlgalka Hubka Sharci darada ah looga qaadayo Magaalada Muqdisho.

The post Gen.Cirfiid “Tuutaha Militeriga lama qaadan karo,Ciddii qaadatana Talaabo ayaa laga qaadi doonaa..” appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author