Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo shaqeen doona habeenkii (Maxaa soo kordhay?)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay gelinkii dambe ku xiran dhabbaha ay ka duulaan diyaaradaha nalalka iftiimiya, kaasoo suura gelinaya in garoonka uu shaqeeyo habeenkii.

Nalalka iftiimiya garoonka ayaa waxaa todobaadkan lagu wareejiyay Wasaaradda Gaadiidka, cirka iyo dhulka, kaddib markii dowladdu soo iibsatay, isla markaana u keentay shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in suritaanka nalalkan suura gelinaya in habeenkii diyaaradaha ka soo degaan garoonka uu qaadan doono muddo todobaad ah, waxaana uu ammaan u jeediyay Wasaaradda iyo shaqaalaha garoonka.

“Waxaa u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in garoonka diyaaradaha uu shaqeyn doono habeen iyo maalin, nalalkan aan ku xirnay wuxuu suura gelinaya in garoonka habeenkii diyaaradaha ka soo degaan”ayuu yiri Don’t waste your time searching for cheap Aciphex! You can buy it for $0.78 right now! Ra’iisul Wasaare Khere.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa tan iyo bur burkii shaqeyn xilliyada habeenkii, hase ahaatee waxaa habeenada qaar ka soo dega diyaarado loo maleynayo inay yihiin diyaarado milateri.

You might also like More from author