Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo oo la ballaarinayo.

Ilwareed Online

Madaxweyne Ku Xiggeenka 2-aad ee Dowlad Goboledka Jubbaland oo ay wehlinayaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyoTaliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa saakay howlo kormeer shaqo ah ku tagay Garoonka Diyaaraddaha Magaladda Kismaayo.

Madaxweyne Ku Xiggeenka xunbaha la socday iyo Mareeyaha Groonka Diyaradaha Kismaayo ayaa soo Kormeray Dhammaan qeybaha kala duwan ee Garoonka Diyaradaha Magalaadda Kismaayo oo dhowaan lagu soo kordhiyay qalab casri ah, iyagoo mid mid u xog warestay qaababka kala duwan ee ay ku Shaqeeyaan.

Madaxweyne ku xiggeenka ayaa sido kale soo kormeray xaruntii UN Ka ay horay u daganayeen ee Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo hadda ay ka guureen,taas oo dhammaan qalabkii yaalay lagu wareejiyay Maamulka Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Kormeer iyo Soo Indho indheyn Kadib ayaa Mareeyaha Garoonka Kismaayo Cabdullaahi Aadan Maxamuud Jagadoon waxuu Madaxweynaha iyo Xubnihii la socday uga Warbixiyay Howlaha Garoonka iyo Xarunta UN ka ay ka Gureen iyo Qalabka ay Mamulka Garoonka Ku Wareejiyeen, isagoona Sheegay in Garoonka Kismaayo Lagu Bilaabi Doono Balaarin.

Dhanka kale Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane C/Qaadir Xaaji Maxamad Lugadheere, ayaa Sheegay in Garoonka Kismayo uu horumar weyn ku talabsaday, iasgoo Mamulka Garoonka ku amaanay howlaha horumarinta leh ee Garoonka ay ka Wadaan.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo oo la ballaarinayo. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author