Gaari walxaha qaraxa lagu soo raray oo lagu qabtay degmada Caabud-waaq

Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada nabad-sugida maamulka gobolleedka Galmudug gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Saraakiisha ciidamada nabad-sugida ayaa sheegay in gaariga lagu qabtay inta If you are still looking for your isoniazid at a lower price than on the most of the market, you’ve found it! Buy isoniazid only for $0.53 right here! u dhaxeysa Caabudwaaq iyo deegaanka Xanan-buure.

Warar ayaa sidoo kale intaa ku darraya in gaariga qaraxa siday uu ka yimid deegaanka Galhareeri oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen in uu soo maray gaariga deegaanada ay gacanta ku heysto Ahlu sunna.

Saraakiisha ayaa nabad-sugida oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gaariga la qabtay oo noociisa u ahaa caasi sidoo kale qabtay raggii wadday.

Ugu dambeyn Saraakiisha nabad-sugida Galmudug ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan gaariga la qabtay iyo faah faaahin intan ka badan.

You might also like More from author