Francisco Madeira””AMISOM ma yeeli doonto in Al-Shabaab ay diidaan gar-gaar la gaarsiiyo dadka macaluulsan”

Ilwareed Online

Francisco Madeira Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo maanta ka qeyb galay kulan looga hadlayay ammaanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inay wadaan qorshe loogu gurmanayo dadka ku dhibaateysan degaanada ay maamulaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Danjire Madeira ayaa sheegay in shaqada AMISOM ay u joogto Soomaaliya ay tahay nabadeynta dalka iyo la dagaalanka ururka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in howlgalka ciidamada AMISOM uu wajahayo marxalad cusub.


Franciso Madeira ayaa sheegay in sidoo kale dhawaan gar-gaar ay gaarsiin doonaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ee lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.
“AMISOM marnaba uma dulqaadan doonto in Al-Shabaab ay diidaan gar-gaar la gaarsiiyo meelaha ay dhibaatada ku heysatoa Dadka ay abaarta saameysay, ee ay iyagu ay ku sugan yihiin” Danjire Madeira .
Dhanka kale hadalka Erayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Gobalo badan oo abaaro ka jira, islamarkaana ay maamulaan Al-Shabaab.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Francisco Madeira””AMISOM ma yeeli doonto in Al-Shabaab ay diidaan gar-gaar la gaarsiiyo dadka macaluulsan” appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author