Falanqeyn: Maxaa sababay in uu baaqdo shirka dib u eegida Dastuurka Faderaalka Soomaaliya

Ilwareed Online

Su’aasha inaan ka falanqeeyo iiga baaha ayaa ah Maxaa baajiyey shirweynihii Qaranka ee Daahfurka Dib-u-eegista Dastuurka oo 8da October ka bilaaban lahaa Royal Palace Hotel ee Muqdisho

Dhibaatada jirta ee shirka baajisay waxay Tahay markii beesha caalamka ee soomaaliya ka Talisa ay diiday inay ka soo qayb Gasho.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa si adag uga hadlay in
si deg ah loo xaliyo Khilaaf Siyaasadeedka ka dhex oogan dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka. Khilaafkan oo ah mid dastuuri ah

Micheal Keating, ayaa sheegay inaanu suuragal aheyn in Somalia dib loogu celiyo fowdo iyadoo la adeegsanaayo dano gaara oo ka dhan ah Qaranimada Somalia.

Waxaan ku baaqeynaa in lasoo afjaro xiisada u dhexeysa dowlada iyo maamulada, si loo samata bixiyo dalka oo kasoo kabanaayo burbur”

Waxa uu Micheal Keating, cadeeyay inaan guul lagu gaari karin in laga soo horjeesto danaha Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in lasoo afjaro khilaafyada jira.

Firiinta waxaa laga dareemayaa in dawlada Madaxweyne Farmaajo ay ku hor kuftay bulshada soomaaliyeed horteeda.

Hadiiba kooxda beesha caalamka Taladu ka go’do Arintan oo ah nasiib xumo haysata Madaxda Dawlada Faderaalka oo aan runta u sheegi karin wakiilada beesha caalamka in aaney soo fara galin karin siyaasada arimaha gudaha ee soomaaliya.

Danjire Micheal Keating, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula taliyay inaanay qeyb ka noqon khilaafyada jira.

Fariinta Keating waxay dhiiri galinaysaa Madaxda maamul Gobaleed yada oo hore ugu diyaariyey inay Dawlada Madaxweyne Farmaajo ku soo koobaan in kooxda Xalane hayso Talada dalka sidii hore loogu sameeyey Dawladii Madaxweyne Xasab Sheekh.

Shirkan hada baaqdey ee dib u eegista Qabyo Qoraalka Dartuurka waxaa loogu talagalay in uu socdo 2 maalin 8- 9 oktobar 2017.

Lama Garan karo khilaafka meesha uu ka yimid ee anigu waxaan falanqeyb tayda ku muujinayaa in hey’adaha qaadacay dhaqaale la isku qabsadey Waxa arinkan shakiga muujina yahay.

Markii War Saxaafadeed ay soo saareen labada guddi ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dastuurka ee baarlamaanka 10aad ayey ku sheegeen in ay qaadaceen ka qeyb-galka shirka dastuurka.

Waxay sheegeen in shirkaasi uu carqalad ku yahay , islamarkaana uu baal marsan yahay hannaanka dib u eegista dastuurka.

Waxayna ku eedeeyay Wasaaradda dastuurka in si awood-marooqsi ah u abaabushay shirka dastuurka. Warsaxaafadeedka waxaa laga dareebayaa in dhaqaale la isku hayo.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka kaasi oo qorshihiisu ahaa in uu maalinnimada berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da October uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaan waqti kale u qaban, iyadoo shirkan si weyn loo qabanqaabiyay, waxaana muuqata in xukuumadda Kheyre oo hore khilaaf ugala dhaxeeyay maamul Goboleedyada ay hadda madaxa la gashay guddiyada Baarlamaanka iyo kuwa madaxa bannaan.

Arinkan labada gudi la qeylinayaan maxaa keenay? Sow ma cada in dhaqaale la isku hayo.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Falanqeyn: Maxaa sababay in uu baaqdo shirka dib u eegida Dastuurka Faderaalka Soomaaliya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author