Falanqeyn Maanta: Go’aanka xukumada Khayre laba Muwaadin miyey kala wanaagsan yihiin

Aniga waxaan aamin sanahay in sharciga dawladu yahay wax bulshadu soomaaliyeed heshiis ku tahay. Markaa way adag tahay in Firkir siyaasadeed lagu wax Go’aan dhaqso ah lagu Gaaro.

Markaa ma saxbaa Go’aanka Gollaha wasiirada xukuumada federaalka Soomaaliya ay xilka u qaadeen Hanti-dhowrkii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax kadib dilkii Ilaaladiisu u gaysteen alle u ha naxariistee wasiirkii howlaha guud Cabbaas Siraaji.

Arintan waxay tahay khalad weyn oo dhibaato ku ah in lagu Save big on your Cephalexin purchase and buy it for as low as 1.12 USD right now! Don’t waste another second! kal soo naado Dawlada Rajada shacanku ka sugayeen hogaanka Madaxweyne Farmoojo.

Maaha sharci in Hanti dhawrka Dawlada laga dhigo inuu isagu wax dilay ama uu soo abaabulay.

Dawladda Faderaalka maxdaxdoodu waxay sameeyey wax ku waa jiba oo ah inay kulan weyn u sameeyeen oo Salaada Janaasada oo lagu tukanayo Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas C/laahi Siraaji ilahay ha u naxariistee

Arinkaa aaska Qaran lagu sameeyey waa waajibka Dawladnimo waxaana wax lagu amaano ah in dhamaan madaxda Dawladda Faderaalka ugu saraysaa kawada qeyb galalaan Madaxweynaha dowladda federaaka Maxamec Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Guddoomiye Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo masuuliyin kale oo ka tirsan dowladda.

Inaataa ka dib waxay ahay in Gudi loo saaro baaritaan ku sameeya arinka oo ka kooban dhamaan hay’adaha Dawladda sida Xukumada maxkamadaha iyo Golayaasha shirci dajinta.
Iyadoo wax shaqo joojin ah lagu sameyn Hanti Dhawrka guud ee Dowladda.

Mudo ka yar laba maalmood in Go’aanka xilka qaadis lagu sameeyo waxay muujinaysaa in aan waxba labaarin Sababaha xilka looga qaaday markaan akhriyey way adag tahay in Qodobadan la fahmo. Sida loo Qoray

1- Guddiga Baaritaanka waxay ugu horeyn dalbadeen in xasaanada laga qaado,

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay
, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Qodobadan oo dhan waxay cadeyn u yihiin in Go’aanka yahay siyaasad.

Markaa waxaan Falanqeynta ku soo Gaba Gabaynayaa Dadka Doonaya inay Dawladda Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre ku Taageeraan Go’aan kan oo kale waa Dad Cadow u ah Dawladan waxayna doonayaan in soomaaliya marna isku dulqaadan waxna aan cadaalada loo marin

Dawladdu waa inay muujisaa in la isku Dulqaato in wax la hubsado.

WQ: Mahamed Caalim

You might also like More from author