FAALLO: XALANE yaa XUKUMA?

Dhambaal ay QM u dirtay No need to waste your time searching for a cheap Erythromycin anymore. We offer Erythromycin only for 0.59 USD! shaqaalaheeda ayey uga digtay, in ay isticmaalin ama ka cunteeyaan maqaayadda caanka ah ee “The Village” qaybteeda ku dhextaal garoonka Aadan Cadde.

Digniintu waxay la xiriirtaa sida ay ku andacoodeen arrimo amni iyo nabadgalyo, oo labo qarax ay hore uga dheceen maqaayaddaa. Xaggeen qarax iyo weerar ka dhicin dalka, gaar ahaan meelaha muhimka ah?.

Qiilka amni oo ah baahi guud oo dalka ka jirta, sabab iyo ujeed kale la ma garan. Haddaba, maxaa gaar uga dhigay digniintan maqaayadda “The Village” ee ku taalla dhanka XALANE loo aado, gaar ahaan goobta ay shaqaalaha QM ka dhoofaan?!

Saw ma ahan dagaal dhaqaale iyo cuuryaamin ganacsi? Ogow xerada XALANE waxaa ku yaalla goobo ganacsi sida hotelo iyo maqaayado ay leeyihiin ajnabi, oon qaarkood ama badankood oggolaasho ka haysan dowladdeenna!

Maqaayaddan “The Village” waxaa leh Mudane Axmad Jaamac, oo Ingriiiska ka soo guuray, kana hirgalshay Xamar saddax maqaayad, oo abuurtay shaqo, kor u qaadday sumcadda magaalada qaybna ka noqotay wax soo saarkeeda.

Haddaba, maamulka garoonka, laanta socdaalka, maamulka gobolka Banaadir, guddoonka Runta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo dawladdaba waxaa xil ka saaran yahay, sidii loo badbaadin maqaayadda “The Village” loogana hortago, in ay u xiranto farriimo faham gurracan lagu qoray, oo ka fog fiiro iyo feejignaan!

Mahaddanidiin.

Qormadii: Bashiir M. Xersi

You might also like More from author