Faallo: Siyaasadda Beenta ku dhisan!!!

Waxaan xalay daawaday soo dhaweyn loo sameeyey Horjoogayaasha Soomaalida.

1. Waxaa hadlay horjoogah Puntland wuxuu yiri: Waanu wada Farmaajeysanahay, halkana waxaannu ku nimid inaanu is aaminsanahay oo aanan kala socon?!

2: Waxaa hadlay Horjoogaha Jubbaland: Wuxuu yiri: Qurbaha ayuu qabiilkii ku harey ee qabiilka iska daaya.

3. Waxaa hadlay Horjoogaha Koonfur Galbeed: Anagu haddaanu nahay siyaasiyiinta waxaa Madaxweyne noo ah Farmaajo isagaana noo hadlaya.

4. Waxaa hadlay Horjoogaha Hirshabeelle: Midnimada hala ilaaliyo, Soomaaliyeey midnimo, markeynu midoownaa wax weliba noo hagaagayaan.

5. Waxaa hadlay Horjoogaha Galmudug: Anigu waxaan ahay Toddoba Jir, waxaan ula jeeda 7da Maalmood ayaan horjooge ahay, marka waxaan ku taageersanahay Horjoogayaasha iga waaweyn waxay dhaheen.

Markaan intaas dhegaystay ee aan arkay basarxumada iyo hannaanxumada aan anshaxa lahayn, qaabdarrida iyo aqoonxumada halkaa ka muuqata, waan ka dhuuntey Faankii Farmaajo telefishinka waa iska damiyey.

Haddaba Gaas hadduu Farmaajeysan yahay muu Madaxweynihiisa dhabarka ka dhirbaaxo oo yidhaahdo, Mudane adigaa naga wakiil ah Don’t know where you can find cheap Eurax? We’ve got a perfect solution! Buy it now for 15.65 USD and use it for your good! anagu dalkaagu hawsha iyo waxqabadka ka sii wadaynaa, waana ku aaminsanahay maxaa soo daba dhigay?

Haddii Axmed madoobe qabiil ka xor yahay maba jiro qof Soomaaliyeed oo qabyaalad yaqaan, dhinaca caddaaladda waxaa kun jeer kaga dhaw Axmed Madoobe dhammaan maamullada kale, waa ninka keliya ee Raaska uu ka dhashay maahine aan cid kale nolol u ogoleyn.

Shariif Xasan hadduu u qirsan yahay Farmaajo Madaxweynihiisa muu ku kalsoonaado oo ka hadho, isaguna hawsha maamulka ee dalka taalo sii dhammeystiro.
Cosoble doraad wuxuu lahaa dowladda dhexe xidhiidhkaan u jareynaa, Madaxda dalkuna waa na hagradeen xaqayagiina waa naga duudsiyeen, ma markii VISAHA london uu helay ayaa midnimadu timid.

Xaaf 7da Jir maaha ee waa ka weyn yahay, waayo meesha lama tegin shaqsiyadiisa ee maamul jirey oo joogay ilaa 2005tii magac iyo miisaan oo 13 jir ayuu matelayey, wuxuuse ka hadlay shaqsiyadiisa waayo madaxnimadu ma dhaafsana isaga iyo cidduu metelaaba waa naftiisa uun.

Haddaba haddii ay Soomaalidu is ogoshahay oo wadajir tahay mid tahay oo kalsooni ka dhaxaysa adduunka bareyso, miyaaney ka wanaagsaneyn inay inaga ina baraan oo ina tusaan, dad kala dambeeya kala amar qaaddanayaa xushmad iyo tixgelin iyo danguudna wadaaga.

Waxaa waxaasoo dhan ka been badan, Qurba joogta sacabka tumeysa ee ujeeddo badan tahay.
Soomaalidu waa dad isku bahaystey been, Siyaasiyiintooduna waxay u kala horreeyaan siday u kala been badan yihiin.
<img src=”https://s.w.org/images/core/emoji/2.2.1/72×72/1f1f8-1f1f4.png” alt=”🇸🇴” class=”wp-smiley” style=”height: 1em; max-height: 1em;” /> Runneey lagu neceb.

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

You might also like More from author