FAALLO: MA SOOMAALIYA AYAA BRAZIL LA CAYAAREYSO! ARYAA BEENTA HA II SHEEGIN!!!

Ilwareed Online

Dalka loo yaqaano Brazil marka ay noqoto cayaarta kubbadda cagta aad ayaa looga baqdaa, jiif iyo hoyaad midna uma yaalo xulkii ay isku hagaagaan, wey adag tahay in si sahal ah looga adkaato oo farxad iyo guul lagala laabto, Cabsi ayaa daris la soo noqoto Wadankii ay isku dhinac {Group} noqdaan, Allow Brazil na mooti ayaa lagu soo duceystaa.

Qiimeyn ahaan Dalka la rumeysan yahay in cayaarta Kubbadda Cagta Adduunka looga dambeeyo ayaa berri la cayaarayo Xulka Kubbad Cagyaraha Soomaaliya, is aragga Labadda Qaran ayaa qeyb ka ah Tartarnka Kubbbada Cagyaraha Koobka Adduunka ee ka dhacaya Dalka Tuniisiya, sida ku qoran Jadwalka cayaartasi ayaa lagu wadaa in berri oo ku beegan maalinimo Axad ah, Taariiqduna ay tahay 8-da Oktoobar, saacaddu marka ay tahay 17:00 xilliga GMT-ga in kubabda dhiibashada cayaartaasi ay bilaabato.

Kubbaddu waxay leedahay cad iyo maddow, waad badin karata waana lagaa badin karaa, inkastoo ay taasi jirto ayaa haddana taageerayaal badan oo Soomaaliyeed waxay wadnaha farta kaga hayaan natiijada ka soo bixi doonto kulanka ay ku balansan yihiin Wiilasha Soomaaliya iyo Brazil, Xiddigaha Soomaaliya ee lagu naaneyso Ocean Stars fadhi iyo raaxo meel uma taalo balse nasiibkooda ayay qabaan.

“Brazil AAA, aryaa been ha ii sheegin ma Soomaaliya ayaa berri la cayaareysa Brazil, saaxiiboow wallee Brazil ma ahoo kuwii uu ka dhashay Pele Boqorkii kubbbada cagta, Zico Mucjisihii Adduunka, Creca, Falcao, Dunga, Rivaldo, Ronaldo, Ronaldinho, Coutinho iyo Neymar-ka ugu qaalisan cayaartoyda Caalamka, nabee cayaartaasi Ia iiga sheekeyn-maayo, berri war waa jiraa ee Allow Soomaaliya ka xijaab Guul-daradda cayaartaasi” ayuu yiri Taageere hore oo ay la noqon weyday in Soomaaliya ay la cayaareyso Barazil cayaar ka mid ah Koobka Adduunka.

Saadaal ahaan yaad is leedahay Soomaaliya iyo Brazil waa adkaan doonaan, imisa Gool ayaa lagu kala bixi doonaa, Soomaaliya ma leedahay awood ay kubbad wax kula qeybsan karto karto cayaartoy matalaysa xulka Brazil, Fadlan nala wadaag Ra’yigaaga.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post FAALLO: MA SOOMAALIYA AYAA BRAZIL LA CAYAAREYSO! ARYAA BEENTA HA II SHEEGIN!!! appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author