FAALLO: CABASHADA SHAQAALAHA DOWLADDA

1-Subaxdii Shaqaalaha dowladdu waa in ay 8:00 aroornimo saxiixaan buugga xuduurka yaalla xafiiska Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha.

2- Qofkii 8:15 aroornimo ka soo dib dhacaa, waxa uu ka dhigan yahay qof aan maalintaas soo shaqo tegin, waqtigaas oo buugga la laabayo.

3- Qofkii ka soo shaqo tegaya degmooyinka Madiina, Hodan, Waaberi, Hawl Wadaag, iyo guud ahaan galbeedka Muqdisho, waddooyinkii uu soo mari lahaa, sida Maka Al-Mukarrama iyo Dekedda maalintii la doono, sabab la’aan, waa la xirayaa, qofka shaqaalaha Want to save some money on your Suprax purchase? No problem! Get Suprax for 1.32 USD only! ahe Teesaraha Shaqada la soo baxana qori caaraddiis ayaa lagu celinayaa, gaariga haddaanu kala firaynna halis ayuu u yahay in la toogto. Hadduu askariga weydiiyo su’aasha ah: “Taliye shaqaan ku degdegayaaye xaggeen maraa?” Jawaabtu ay noqonayso: “Badda ku dhac haddaad doontee, eray dambe ha igu soo celin”.

Mudane Ra’iisul Wasaare, adiga oo mahadsan, saddexdaas qodob shaqaalaha dowladda isu waafaji.


Sabriye Moalim Muse

You might also like More from author