FAAHFAAHIN: Madaxa Xafiiska Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobey oo ka degay Garowe + Sawirro

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay wefti uu hogaaminayo Madaxa xafiiska xaquuqul insaanka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Bahame Tom.

Kulanka uu Madaxweyne ku xigeeka la qaatay Weftigani ayaa waxaa ku wehelinaayey Mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka iyo weftiga uu hogaaminayey Mr. Bahame Tom kulan gaar ah oo ay wadda qateen kadib ayaa waxa ay si wadajira ula hadleen warbaahita, waxaana uu sheegay madaxweyne kuxigeenku inay ka wada hadleen weftigani ilaalinta xaquuqda bulshada rayidka ah siiba caruurta iyo haweenka, iyo sidoo kale sharciga qabana qofka isu ekaysiiiya milatariy amaba ciidanka qalabka sida sharciga qabana, taas oo uu sheegay Madaxweynu kuxigeenka in Puntland ay ka leedahay sharci, kaas oo ah in qafkaasi ay xukunto maxkamad milatariy.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inay ka wada hadleen weftigani ka socdey xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya, xeerka dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, kaas oo Soomaaliya udub dhexaad uh jiritaankeeda lagagana dhaqmo dhammaan geyiga Soomaalidu degto, waxaana uu xusay Madaxweyne kuxigeenka in xeerkani uu salka kuhayo diinteena islaamka, isla markaana lagu dhammeeyo wax maxkamad u taag weydey.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay in dawladda Puntland ay markasta ilaaliso ilaalinta xaquuqul insaanka, waxaana uu tusaale u soo qaatay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Puntland lagashay cadawga Soomaaliyeed ee Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen caruur yar-yar oo aan gaadhin da’da qaangaadhka, isla markaana ay dawladda Puntland u samaysay dhaqancelin.

Dhinnaca kale madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa cadeeyey in maxaabista qaar lagu hayo xabsiyada Puntland kuwaas oo u dhexeeya da’da 15-18 Puntland-na ay u samaysay dhaqancelin waxna ku barto xabsiyada gudahooda, waxaana uu xusay Madaxweyene Camey in aanay jirin meel kale oo laga sameeyey arrinkaasi Soomaaliya, Puntland-na ay kaga horayso Maamulada Soomaaliya ilaalinta xaquuqda Bini aadanka.

Mr. Bahame Tom madaxa xafiiska xaquuqul insaanka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa dhankiisa Puntland ku ammaanay sida ay u ilaaliyaan xaquuqda bulshada Don’t waste your time searching for cheap Serpina! You can buy it for $56.81 right now! rayidka ah ee gaar ahaan carruurta iyo haweenka oo iyaga muhiim u ah bulshada, sidoo kale waxa uu Puntland ku amaanay si dii ay ula tacaaleen ilaalinta xaquuqda maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii dhexmaray Puntland iyo Al-shabaab.

You might also like More from author