Faahfaahin ku saabsan Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Kismaayo

Ilwareed Online

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubblanad ayaa sheegayo in Magaalada Baneenkeeda uu ka dhacay iska hor imaad.

 

Iska hor imaadkaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii ay isku dhaceyn ciidamo u abaabulan hab beeleed oo ku muransanaa dhulka.

Sida ay dadka deegaanka Xaqiijiyeen iska hor imaadkaas ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 2 askari halka dhaawaca la sheegay inuu gaarayo ilaa 5 Askari.

Wararka qaar ayaa sheegayo in ciidamadaas ay ka tirsanayeen kuwa Maamulka Axmed Madoobe ee Jubblanad halka qaar wararka qaarna ay sheegayaan inay ahaayeen maleeshiyaad aan ka tirsaneyn ciidamada Maamulka.

 

Magaalada ayaa hadda ah mid dagan, waxaana lasoo sheegayaa in la kala dhex galay ciidamadii is rasaaseeyey.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta gaaray wafdi heer sare ah oo ay kala hoggaaminayeen Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed oo horey halkaas ugu sugneyd.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Faahfaahin ku saabsan Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Kismaayo appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author