faahfaahin kasoo baxeysa hoobiyayaal xalay lagu weeraray garoonka magaalada baydhabo

Ilwareed Online

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan Gobolka lagu asqeeyay Madaafiic dhowr ah. siiba garoonka magaalada baydhabo ee xarunta gobalka baay

 

Madaafiicda ayaa waxaa la xaqiijiyay inay rideen maleeshiyaadka Alshabaab oo qaab dhuumaaleysi ah ku jooga qeybo kamid ah deegaanada maamulka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Madaafiicda ay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa ay sheegen in Madaafiicda kadib ay maqlayeen dhawaqa gaadiidka gurmadka oo la rumeysan yahay inay qaadayeen dad ay waxyeelo kasoo gaartay Madaafiicda.

 

Waxa ay dadku intaa raaciyeen in ciidamada Ethiopia ee ku sugan Garoonka ay ka jawaab celiyeen Madaafiicda isla markaana dhowr xabo ku garaaceen deegaanada laga soo tuuray Madaafiicda.

Ilo ku dhow dhow laamaha amniga Garoonka ayaa xaqiijiyay in Madaafiicda ay ka dhalatay Khasaaro kala duwan, balse waxa ay ka gaabsadeen inay bidhaamiyaan heerka Khasaaraha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in waxyeelada Madaafiicda ay ku ekeed ciidamo ka howlgala Garoonka kuwaa oo xiliga weerarka ku guda jiray shaqooyinkooda.

Docda kale, Garoonka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si wada jira u ilaaliya ciidamada Ethiopia iyo laamaha amniga Koonfur Galbeed, waxaana Garoonkaasi isticmaasha madaxda maamulka.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post faahfaahin kasoo baxeysa hoobiyayaal xalay lagu weeraray garoonka magaalada baydhabo appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author