Faah Faahin ku saabsan Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Duleedka Afgooye

Ilwareed Online

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Degaanka lagu magacaabo Caddow-Dibile ee Duleedka Degmada Afgooye ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab uu halkaasi ka dhacay Galabta.

Dagaalka ayay wararku sheegayaan inuu yimid kadib markii Ciidamo dowladda ah ay ka soo baxeen Xero ay ka dagan yihiin Laanta Buuro kuna soo jeeday Degmada Afgooye ay wadada u galeen Al-Shabaab islamarkaana uu halkaasi uu ka dhacay Dagaal saacaday wax ka badan saacad.


Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi Al-Shabaab looga dilay sadax ka mid ah Maleeshiyadooda, islamarkaana ay ciidamada dowladda u suurtagashay inay Al-Shabaab kala wareegeen Gaari nooca raaxada ah iyo weliba iyo Mooto ay wateen.

Dhanka kale Al-Shabaab dhankooda wali wax war ah oo Dagaalkaas ah kama soo bixin, xaaladda goobtii uu dagaalka ka dhacay galabta ayaa la soo sheegayaa inay degan tahay, halkaasina ay joogaan ciidanka Dowladda.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Faah Faahin ku saabsan Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Duleedka Afgooye appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author