Faadumo Saciid: “Somalilaneey xageed galeysaan marka la idinka soo weeraro Yeman iyo Iiraan?”

Munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan masiirka Somaliland, waxaana kulankaasi oo ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan Dowladda, siyaasiyiin, aqoonyahano, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Haweeney ka mid ah xubnaha sida weyn ugu dhuun daloosha arrimaha siyaasadda Somaliland ayaa digniin weyn ka bixisay inay saameyn ku yeelato xasarada ka oogan dalalka bariga dhexe.

“Somalilaaney xageed galeysaan marka la idinka soo weeraro Yeman iyo Iiraan?” ayay tiri Faaduma Siciid oo ka mid ah shaqsiyaadka la socda dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee iminka ka socda Somaliland.

Faaduma Siciid waxay kaloo sheegtay in ciidamada dowladda Itoobiya ay dhowaan sameeyeen dhoolatus ay ku soo bandhigeen hub casri ah oo ay sheegtay inay kula dagaalameyso dalka Masar.

Dhinaca kale hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli horay digniino sidaan oo kale ah looga soo saaray saldhigga Milateri ee Dowladda Imaaraadka ka sameysaneyso dekedda Berbera, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in halkaas ay dullaan ka qaadayaan diyaarado dagaal.

The post Faadumo Saciid: “Somalilaneey xageed galeysaan marka la idinka soo weeraro Yeman iyo Iiraan?” appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author