Duulimaadkii tooska ahaa Muqdisho iyo Nairobi oo maanta bilaaban doona.

Waxaa maanta oo Arbaco ah waxaa si rasmi u bilaaban doona Duulimaadkii u horeeyay ee tooska ahaa Muqdisho iyo Nairobi ayaa bilaaban doona, iyadoo dowladda Kenya All of the finest calan deals are gathered at our store, and you can take advantage of it right now! Buy your medicine for only 0.47 USD and save on your purchase! ay si rasmi ah u bilaabi doonto dhaqan gelinta heshiiskii todobaadkii hore ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.


Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeyb geli doona Munaasabada lagu daah-furi doono duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo diyaaradii u horeysay oo toos ah ay saakay ka ambabixi doonto magaalada Muqdisho.
Dadwaynaha Soomaaliyeed ayaa dhib ku qabay garoonka Wajeer, halkaasoo ay ku hakan jireen diyaaradaha ka baxayay Soomaaliya, iyadoo muddo saacad ku dhowaad ah baaritaan adag lagu sameyn jiray, inta aanay Nairobi ka degin.

Diyaaradaha horay uga bixi jiray Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo ee aadi jiray Kenya ayaa bedelkii ay mari jireen Wajeer, wixii hada ka dambeeya soo mari doona magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wuxuu furay bog cusub oo xiriirka labada dal ah, iyadoo Kenya ay u muujisay Soomaaliya dabacsanaan iyo saaxibtinimo joogto ah.
Dhanka kale Heshiiskii ay wada gaareen labada Madaxweyne ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Heshiiska labada dal u dhaxeeya ee JCC oo la cusboonaysiinayo.
2. Laba toddobaad gudahood oo duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi dib loo billaabayo (Wajeer lama soo maraayo)
4. Kastamka Xudduudaha Beled Xaawo iyo Mandheere oo dib loo furi doono

You might also like More from author