Duqa Muqdisho oo lagu Wareejiyay Gawaari iyo Warshad Dhismo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo maanta If you’re reading this ad, than you’re searching for affordable betnovate deals. We offer it for 7.64 USD, so get it now! soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa Duqa Magaalada Muqdisho ku wareejiyay 52 Gaari oo waa weyn iyo Warshad Dhismo oo loogu tala galay in lagu hormariyo Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato horumarka ka socda Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu sidoo kale sido mucaawino ay dowladda Turkiga ay ugu tala gashay dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Gaadiidka ay dowladda Turkiga ugu deeqday gobolka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiye Madaale ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ugu Faa’deyn doonaan deeqdaan ka timid dowladda Turkiga ee Gaadiidka ah.

You might also like More from author