Dowladda Turkiga oo Dowladda Soomaliya ku wareejisay Markab sida Shixnad Gargaar ah.+Sawiro

Waxaa maanta Dowladda Soomaaliya lagula wareejiyay Dekedda Magaalada Muqdisho Markab sida Shixnad gargaar ah oo ka timid Shacabka Turkiga.
Deeqdaan ayaa waxaa loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaana ay gaareysa 13 kun oo tan, iyadoo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo deeqdaan la soo marsiiyay ay sheegtay inay sii waddi doonto u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.
“Dowladda Turkiga waxay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Safiirka dowladda Turkiga u Fadhiya Soomaaliya.
Cilmi Cumar Ceynsane Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga deeqdaan ay ugu deeqday Shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in deeqdaan loo qeybin doono Shacabka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan Gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyadda, isagoona sheegay inay ku soo aaday xilli loo baahnaa.

The post Dowladda Turkiga oo Dowladda Soomaliya ku wareejisay Markab sida Shixnad Gargaar ah.+Sawiro appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author