Dowladda Soomaaliya oo loo jeediyay baaq ku wajahan Muqtaar Roobow

Ilwareed Online

Hay’adda xuquuqda aadanaha adduunka HRW ayaa soo saartay baaq ku wajahan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Hay’adda HRW ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya in cadaaladda la mariyo Muqtaar Roobow dembiyada uu galay mudadii uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, iyadoo ku eedeysay in Al-Shabaab ay geysteen weeraro aan loo meel dayin oo dad rayid ah lagu gumaaday.

Baaqa HRW ayaa looga dalbaday Dowladda Soomaaliya in hoggaamiyaha labaad ee ururka Al-Shabaab la soo taago maxkamad isla markaana lagu qaado dacwad la xiriirta tacadiyadii uu geystay.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay qiimeyso darajada Muqtaar Roobow, isla markaana su’aalo laga weydiiyo dembiyada uu ku lugta leeyahay xilligii uu Al-Shabaab ka tirsanaa.

Hadalka ka soo baxay hay’adda xuquuqda aadanaha adduunka ee HRW ayaa ku soo beegmaya xilli Muqtaar maalintii shalay uu magaalada Muqdisho soo gaaray isla markaana dowladda uu kula jiro wadahadallo iyo heshiis cusub.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Dowladda Soomaaliya oo loo jeediyay baaq ku wajahan Muqtaar Roobow appeared first on Ilwareed Online.

}

You might also like More from author