Dowladda Soomaaliya oo Abuu Mansuur la bilowday Wada-hadal Toos ah.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay dhanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Wadahadal u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur Guddoomiye Kuxigeenkii Al-Shabaab ay biloowdeen oo hadda meel fiican ay marayaan sida uu Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo lagu Magacaabo Col. Aadan Axmed.
Sarkaalka u hadlay Dowladda ayaa sheegay in wadahadalka ay yihiin kuwo si Toos ah u socda islamarkaana la doonayo in lagu soo xero geliyo Abuu Mansuur, iyadoo Sheekh Muqtaar Rooboow dhawaan laga saaray Liiska Argagixisada kadib markii Dowladda Mareykanka arintaasi ku dhawaaqday
Dhanka kale wararka ka imaanaya degaanka Abal oo hoostaga degmada Xudur ee Gobolka Bakool islamarkaana uu ku sugan yahay Sheekh Muqtaar Roobow ayaa sheegaya in Xiisad dagaal ay ka taagan tahay halkaasi, iyadoo Shabaabku doonayo inay gacanta ku dhigaan Abuu Mansuur, halka iyana Dowladda ay ciidamo Gurmad ah u dirtay Abuu Mansuur si ay uga difaacaan Shabaabka.

The post Dowladda Soomaaliya oo Abuu Mansuur la bilowday Wada-hadal Toos ah. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author