Dowladda Qadar oo 290 Mashruuc Ka Fulisay Somaliya Xiisadii khaleejka Ka Dib

Ilwareed Online –

Hay’adda dowladda qadar u qaabilsan  gargaarka ee Qadar Charity ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka fulisay 290 mashaariic horumarineed oo ahayd taageero ka timid shacabka qadar, mashaariicdaas oo Lacagta  ku baxday ay dhamayd 35 milyan oo lacagta riyaadka dalkaasi tan iyo bishii june ee sanadkan

Mashaariicda waxay ay isugu jiraan ceelal la qoday, dhismaha xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad, Xarumo dadweynaha, mashaariic dakhli soo saaro oo dadka danyarta ah lagu caawiyay iyo mashaariicda gargaarka deg deg ah

Warsaxafadeed ka soo baxay hay’adda  waxaa lagu sheegay in xafiiska ay ku leeyihiin Magaaladda Muqdisho uu gacanta ku hayo in ka badan 600  oo mashruuc oo ay ku baxayso 24 Milyan, taasi oo ku talagalka yahay in la fuliyo ilaa dhammaada sanadkan 2017ka

Hay’adda Gargaarka ee qadar, waxay kaloo sheegtay inay maalgaliyaan mashaariic kale oo ay dalka ka wadaan hay’adaha qaramada midoobay sida unicef, hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO, UNHCR, hay’adda bisha Cas iyo hay’ado kale oo caalami ah

Hay’addu waxay sheegtay in ilaa sanadihii Sagaashamaadkii ay ka howlgalayeen magaaladda Muqdisho, islamarkaana mashaariicda ay ka fuliyeen Soomaalila 2009kii ilaa sanadkan dadka ka faa’iidaystay ay gaarayaan Labo boqol oo kun oo Soomaali ah oo badankoodu ku nool yihiin koofurta Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka u dhexeeya wadamada khaleejka, waxayna diideen dalab uga yimid wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka oo ahaa inay xiriirka u jarto dowlada Qadar, waxaana tan iyo markaasi bilowday mashaariic tiro badan oo dowlada Qadar ku caawinayo dowladda federaalka, si ay ugu abaal-gudo go’aankii ay ku diiday xayiraadka saaran dalkaasi Qadar.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Dowladda Qadar oo 290 Mashruuc Ka Fulisay Somaliya Xiisadii khaleejka Ka Dib appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author