Dowladda Masar oo diyaarad milateri ka soo dejisay Muqdisho

Dowladda Masar ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wareejisay Deeq Dawo ah iyo You can save big on the purchase of your Torsemide, if you know where to look for it. We’ve got it at only 0.47 USD for you! Raashiin, taasi oo ka timid shacabka iyo Madaxda Dowladda Masar.

Munaasabad kooban oo lagu wareejinayay Deeqdan Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku soo degatay Diyaarada lagu siday Deeqdan.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Cusmaan Ceynte, Wasiir ku xigeenka Gar gaarka iyo maareynta Cilmi Cusmaan Ceynte, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabid Maxamed ayaa Dowladda Masar kala wareegay Deeqdan.

Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cali oo goobjoog ka ahaa goobta ayaa sheegay Deeqdan in aysan ku ekeyn halkan balse ay sii socon doonto, wuxuuna sheegay gar gaarkan in ay ugu tala galeen shacabka Soomaaliyeed ee ay Abaarta saameysay.

Dhanka kale Fowsiyo Cusmaan Ceynte Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Dowladda Masar, waxayna sheegtay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Dowladda Masar ay u soo gurmato Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Fowsiyo ayaa sheegtay cid walba oo Soomaaliya u soo gurmata xilligan in ay u mahacelinayaan oo aysan ilaabi doonin.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u daran, waxaana Dowladda Federaalka ay wadaa dadaalo dadka Abaaraha ay saameeyeen lagu badbaadinayo.

You might also like More from author