Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka war heshay in Al-Shabaab ay dileen Kenyaankii Shabaabka ku biiray

Agaasimaha Howlgalka Linda Boni ayaa sheegay in Al-Shabaab ay khaarajiyeen tiro If you are looking for cheap Finpecia, but still are unsuccessful, you can enjoy buying it for only 0.71 USD right now at our online store! ka mid ah dhalinyaradii Kenyaanka aheyd ee ku biiray Al-Shabaab kadib markii ay uga shakiyeen inay yihiin Basaasiin.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay jiraan dhalinyaro badan oo Kenyaan ah oo ay Al-Shabaab ka qorteen Keymaha Booni ee dalka Kenya.

James Ole Seriani Agaasimaha Howlgalka Linda Boni ayaa si buuxda u sheegay in Al-Shabaab ay dhalinyaro badan Kenyan ah ay dileen intii u dhaxeysay bilihii Apriil iyo March ee Sanadkaan.

Agaasimaha ayaa sheegay inaysan jirin Basaasiin ay u dirsadeen Al-Shabaab , laakiin dhalinyaradaasi ay ahaayeen kuwo iskood Al-Shabaab ugu biiray, wuxuuna xaqiijiyay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa iyagu waxay toogtaan dadka ay ku eedeeyaan inay ka tirsan yihiin Ciidamada dowladda Kenya iyo sidoo kale kuwa Soomaaliya, kuwaasi oo u arka inay yihiin Basaasiin.

You might also like More from author