Dowladda Iran oo dhaqaale fara badan ka heshay Ganacsiga ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ganacsiga u qaabilsan dalalka Carabta iyo Afrika dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay inuu kordhay daqliga dowladda Iiraan ka soo gala Alaabaha ay u soo iib geyso Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay wakaaladda Wararka ee dalka Iiraan ee IRNA ayaa lagu sheegay in dowladda Iiran Sanadkaan daqliga ka soo gala Alaabaha ay u dhoofiso Soomaaliya inuu kordhay 38% kiiba.

Dowladda Iiran ayaa la sheegay in Soomaaliya u soo dhoofiso Alaabo ay ka mid yihiin Shamiitada, Cabitaanada,Dawooyinka iyo Alaabaha Maacuunta, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga Iiran ayaa sheegay in dowladdaha Iiran iyo Soomaaliya uusan joogsan ganacsiga ka dhaxeeyay tan iyo markii uu xumaaday xiriirka 2-da dal.

Iiraan ayaa sheegtay inaysan jirin waxyaabo dowladda Iiraan kaga yimaada dhanka Soomaaliya ama looga soo dhoofiyo, sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay dowladda Iiran kadib markii ay ku eedeeysay inay Soomaaliya ka faafiso diinta Shiicadda.

The post Dowladda Iran oo dhaqaale fara badan ka heshay Ganacsiga ay ka wado gudaha Soomaaliya. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author