Dowladda Federaalka Somalia oo joojisay lacagihii ay siin jirtay Maamullada Dalka ka jira

Ilwareed Online

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan hakisay lacagihii ay bil walba siin jirtay Maamul-goboleedyada ka jira dalka. Qoondada lacag bileedka la siiyo Maamullada dalka ka jira ayaa gaareysay $150,000, waxaana lacagtan ay toos ugu dhaceysay jeebka Mas’uuliyiinta maamul goboleedyada.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Somalia ayaa dhowaan kusoo rogtay in Maamul-goboleedyada dalka ay keenaan xisaab xirka lacagihii horay loo siiyay, kaddib markii ay su’aal badan ka timid qaabka lacagahaas lagu maareeyay.

Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda Somalia ayaa ka dalbatay Wasaaradaha maaliyada maamul goboleedyada inay keenaan miisaaniyadda ay ku shaqeynayaan, si qoondada lacageed ee dowladda bil walba bixiso ay qeyb ugu noqoto.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay in la hakiyay lacagaha si toos ah maamul goboleedyada loo siin jiray, balse maamulka Hirshabeelle ayaa ahaa maamulkii u horeeyay ee laga hakiyay lacagahan bilihii June iyo July, xilligaas waxaa madax ka ahaa Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Hakinta lacagahan ayaa ka dambeeyay markii Xildhibaanada Hirshabeelle ay qeyla dhaan ka keeneen mushaar la’aan iyo in aanay jirin xafiisyo ay ku howl galaan Wasaaradaha maamulka, halka Wasiirada iyo madaxda ay noqdeen kuwo shaqadooda Laptop kaliya ku eg oo aan xafiis laheyn.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Muqdisho u joogay maalmihii la soo dhaafay, sidii loo fasixi lahaa lacagihii laga hakiyay, oo ay ku jirto labadii bilood ee uu joogay Cali Cosoble.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay la xisaabtanto maamul goboleedyada, gaar ahaan fulinta mashaariicyo taagan oo aan wali la fulin, iyo arrimo kale oo maaliyadeed, sida mushaaraadka Xildhibaanada, Ciidamada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Wasaaraddaha Maaliyadda ee Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay maamuli doonaan lacagaha qoondada bilaha, isla markaana ay keenaan qorshe howleed iyo xisaab xir, si aanay mar dambe lacagaha loogu gacan gelin Madaxda maamul goboleedyada.

Ugu dambeyn, Dad fara badan ayaa aaminsan in arrintan ay yareneyso awoodaha xad dhaafka Madaxda dowlad goboleedyada qaar oo ah kuwo xilligan siyaabo kala duwan u adeegsada lacagaha qoondada bilaha ee dowladda Dhexe bixiso.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Dowladda Federaalka Somalia oo joojisay lacagihii ay siin jirtay Maamullada Dalka ka jira appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author