Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay lacago Shillin Soomaali ah oo ay daabacatay Puntland

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qalalaasaha ka taagan magaalooyin ka tirsan gobolada dhexe kaasoo salka ku haya diidmada istticmaalka Shilinka Soomaaliga oo ganacsatada qaar ay ka soo horjeesteen.

Ganacsatada ayaa ku andacoonaya in lacagta shilinka Soomaaliga ah ay u diideen sababo la xiriiro lacago ay ku sheegeen faalso oo soo galay Suuqyada kuwaasoo lagu daabacay degaanada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay iney ka warqabaan cabashada dadka, dhibaatada waxa keenayna ay tahay lacago lagu daabacay dalka gudihiisa:

“Waxaan Maqlaynaa cabasho ka taagan lacago cusub oo la soo daabacay inay dadku ka biyo diidsan yihiin anaga lafteenu waa ka biyo diidsannahay waxa aan u sheegeynaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa soo daabacay lacagtan waa iney ka waantoobaan ficiladan oo shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaataynayo”ayuu yiri Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in daabacaada lacagahan sharci darada ah ay ka mid tahay dambiyada waaweyn isagoo xusay in kuwa ku kacaya ay dhibaateynayaan malaayiin shacab Soomaaliyeed isla markaana xukunada ka dhalan karta uu ka mid yahay dil.

Waxaa uu sheegay inay wadaan qorshe dalka loogu samaynaayo lacag bedesha tii hore, waxaana kala shaqeynaya ayuu yiri hay’adda IMF, sababaha hortaagan ayuu sheegay inay ka mid ahaayeen deymaha dalka lagu lahaa oo hadda uu socdo qorsho lagu cafinayo.

Maamulka Puntland ayaa bilaabey inay daabacaan lacagta Soomaaliga labo sano ka hor waxaana sidaas dhawaan saxaafadda u xaqiijiyey Wasiir ku-xigeenkii hore ee Maaliyadda Puntland.

Lacagtan ayaa sare u qaadey sicirka sarrifka dollarka, iyo weliba maciishadda daruuriga ah, waxaana ay hadda dhibaatada ka dhalatay ay gaartey gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ganacsatada joogta ay diideen iney qaataan.l

Magaalooyinka Beled-weyne, Cadaado iyo Caabudwaaq, Dhuusamareeb, Guriceel iyo degaano kale ayaa ganacsigii ka jiray uu khal khal galay maalmihii u dambeeyey ka dib markii ay diideen lacagtan farsamadeeda uu ka dambeeyo maamulka Puntland.

The post Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay lacago Shillin Soomaali ah oo ay daabacatay Puntland appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author