Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sakay wafdi kasocda ay tagayaan dalka Liibiya

Ilwareed Online –

Wafdigan maanta kusii jeeda Liibiya oo uu hogaaminaayo Yuusuf Garaad Omar wasiirka arimaha dibada dowlada federaalka soomaaliya ayaa dhawaanahan waxa uu wadey dadaalo farabadan oo uu ku doonayo inuu muwaadiniin badan oo dalka soomaaliya udhashay oo meelo kala duwan ku xirxiran ay soo dayso kadib xiriiro iyo safaro kala duwan oo dalalka lagu sheego maxaabiis Soomaali inay ku xiran yihiin ay masuuliyiintasi u tagaan sii dayntooda

Waxaana magaalada Muqdisho mudooyinkan laga dareemayay maxaabiis kala duwan oo dalka ay soogaarsiinayso wasaarada arimaha dibada Soomaaliya
114 maxbuus ayaa ugu danbeysay oo dalka Itoobiya kuxirnaa kuwaasoo lakeenay todaabaadkii ugu danbeeyay ee bishii lasoo dhaafay.

Wadamada hindiya siishelis south afrika liibiya itoobia suudaan ayaa waxaa kuxiran soomali badan oo ubaahan dadaal dheeri ah in sii dayntooda xukuumada soomaaliya inay xalkeeda keento.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sakay wafdi kasocda ay tagayaan dalka Liibiya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author